kusoo dhawoow website-kan

boga hore sawiradayda sawiro My Files Favorite Links

Nabadu Waa unugga bilow kasta ee socodka iyo dhaqdhaqaaqa jiraha.

bismillah,

Haddii aragtidaani gar tahay, Nabadda iyo nabadayntu waxay mudan yihiin in lataageero, gacan lasiiyo, laguna dadaalo intii suuro gal ah. In la yareeyo ilaha nabad la’aanta, lana sii wado yareynta ilaha handadaadu ka soo baxaan. Waana arinta aan qoraalkaan ku eegi doono, balse marka hore.

so1

Waa maxay Nabad? Maxaanse ugu magacawnay unugga bilow kasta ee socodka iyo dhaqdhaqaaqa jiraha?

Erayga “Nabad” waa eray xambaarsan garasho mug weyn. Qeexideeduna waxay ku xiran tahay arimo badan oo ay ka mid noqon karaan, aqoonta iyo ujeedada uu leeyahay qofka ama kooxda bixinaya(sa) qeexidda waxa ay nabadi tahay.

Aragtidayada, ma badna qeexid qofkasta u noqon karta madhaafaan ama tii uu isagu bixinlahaa. Waayo, dagaamada, dadyowga, danaha, dhaqamada, iyo horumarada dhulalka aadamigu ku nool yahay ayaa wax badan ku kala duwan. Taasna waxaa sii dheer koobnaan aqooneed iyo ogaansho la’aan ku saabsan kala duwanaantaas.

Sidaas darteedna qeexidaani ma noqon karto mid dhamaystiran oo dhaliil, koobnaan iyo ilduuf ka maran. Waana sababta aanaan isugu dayahayn in aan akhristaha qoraalkaan uu sidaan u soo bandhigay kaliya nala qaato. Waxaan isku dayeyaa in aan soo bandhigo aragtideyda ku saabsan, nabadda iyo ilaha Nabad la’aanta.

Marka si kooban loo qeexo, nabadu waa maqnaanta handadaad iyo halis kasta ee dhimaal u leh dagaanka iyo ku noolihiisa (Jiridda iyo Jiraha) midkood ama kuligood.

Ilaha nabad la’aantu ka timaadana waxaa ka mid ah aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad-sameega ah: sida Dhul/Bad gariir, Dufaan, Roob, Daad, Gubato, Abaar, Qabow, Baraf, Cudur, Dagaal iyo Shil weyn, sida qaraxa tamarta atoomikada ama Shidaal. Sida dhacdadii “The Chernobyl catastrophy April 26 1986 in USSR

Waxaa haboon in la ogaado, maqnaanta iyo joogidda nabadda midna joogto aan isbadalin ma aha. Waa meerto, goor iyo meel joog ah ama goor iyo meel ka maqan ah. Tusaale ahaan dalalka la isku yiraahdo Midowga Yurub dagaal fiisiko - ciidan iyo hub la adeegsanaayo maanta 2009 kama jiro gudohooda. Marar badan oo horase, waxaa gudo iyo dibadda ka dhacay dagaalo iyo nabad la’aan. Wadamadaas u dhexeysa. Somaaliya oo la oran karo nabad baa ka jirtay marar badan oo kuwaasi is hayeena, 1977-2009 waxaa ka jiray dagaal fiisiko oo ciidan iyo hub la adeegsanaayo. Waxaana muddadaas maqnaa Nabadda. Taasna waxaa laga dareemi karaa in nabadda iyo nabad la’aanta labaduba meerto yahiin.

Haddii nabad la’aan dhacdo, waxay noqonaysaa dhammaadka nagaanshaha jiraha iyo bilowga nabad la’aanta. Waxaana ka dhalanaayaa murug, isdiid, maddo la’aan, qardajeex iyo nitooxsi – keena isdiid ka weyn kana dhibaato badan kii horoo jiray.

Tusaale ahaan meelaha dagaalku ku raago waxaa ka abuurma dhaqan dagaal iyo Nabad la’aan, sharci iyo kala dambayn la’aan. Qofka dhaqankaas qabitima waxaa ku adkaada inuu qaato dhaqan nabadeed. 

Waxaa adkaada xurmeynta sharciga. Waxaa yaraada aqoonsiga iyo meel marinta xuquuqaha iyo waajibaadyada. Waxaana soo ifbaxa maqal, muqaal iyo mudasho wax walba “diidan”. Waxaa faafa nagaansho la’aan baahsan.

Waa maxay Sababta ay Nabaddu u tahay Meerto marna maqan marna jooga?

Sidaan rumaysanahay, ugu horayn majirto abuuris joogta ah. Abuuris kasta waxay leedahay cimri dherar bilow iyo dhamaad leh. Sababtaas darteedna nabadda ama nabad la’aantu joogto ma noqon karaan. Mana aha wax ku xiran doonista iyo diidista abuurista ee waxay ku xiran tahay abuuraha.

Cadayn kooban waxaa arintaan u noqon kara: abuurista lafteedu waxba ma abuuri karto. Laakiin iyada dhexdeeda ayey tacab-dhis (wixii horoo jiray) ka dhex samayn kartaa. Dalaga cusubna wuxuu yeelan karaa, muqaal iyo mudasho cusub, mase aha abuuris - soo koror cusub.

Tusaale ahaan, qof beer waa samayn karaa, laakiin abuurka, dhulka, biyaha, hawada iyo walxa kale ee uu isticmaalay, si uu dalag u soo saaro, isagu ma abuurin ee horey u jireen.

Dhan kale marka laga eego, qofku wuxuu leeyahay cimri dherar aan la cusboonaysiin karin/la kordhin karin. Dalag kasta wuxuu leeyahay cimri u gaar ah. Wax soo saar kasta ee warshadaysan cimri qawiman ayuu leeyahay.

Xil kasta ee dowladeed wuxuu leeyahay mudo ama cimri dhigaal, qoraal sharci lagu qeexay. Saacadda, maalinta, bisha, iyo sanadku waxay leeyihiin cimri goor lagu dhudhumiyey. Uur-kusidka dhalaanku waxay leeyihiin goor dhudhumin.

Arimaas oo dhan waxay inoo caddaynaayaan sida samaysku uuna joogto u noqon Karin. Nabadda iyo nabad la’aantuna gaar kama aha abuurista kale.

Notifying Visitors of Site Enhancements

Another idea for my home page's text is notifying visitors about the enhancements I put on my site. For example, I want visitors to sign my guestbook or fill out my survey Form E-mailer to answer questions about my site, my business, or my site's topic.

Need some extra help building your site? Here are some topics that may be helpful.

Nagaansho la’aanta Maxaa Keena?

Nagaansho la’aanta waxyaabaha keena, waxaa ka mid noqon kara aafooyin Cudur, yaraan ama dhammaad Kheyraadka dabiiciga ah, sida: biyaha, cunada, tamarta-shidaalka, dhirta, i.w.m.

Sidoo kale ilaha nagaansho la’aan ka timaado, waxay noqon karaan isdiid ka dhasha diin ama Mabda’ kale. Mid kasta oo ka mida arimahaas aan kor ku soo xusnay, waxay keeni kartaa nagaansho la’aan u sii gudubta Nabad la’aan.

Tan labaad, isdiidka jirayaasha uhalgamaaya helidda haqabtir baahiyahooda, wuxuu abuuraa isdiidyo noocyo badan. Isdiidyadaasina mararka qaarkood waxay keenaan heshiinwaa iyo ismaquunin ku salaysan cabsi ama dhiilo. Kuwaasina waxay barabixiyaan nabadda.

Maquunintu waxay xaalufisaa dhammaan hantida iyo lahaanshaha dhinacyada isdiidku ka dhexeeyo. Cadayn taageeraysa aragtidaan, waxaa noqon kara isdiidka maanta Soomaaliya ka jira. Isdiidkaani wuxuu galaaftay lahaanshihii soomaalida iyo taageeraddii dibadda uga imaanaysay[i].

Waxaa xusud muddan, in dhinacyadda dagaalamaayey/dagaalamaaya 1977- 2009, marna dad, fikrad iyo qalab ay dagaalkooda u adeegsaddan ma ayna waayin. Mudaas, waxaan si joogta ah u maqalnaa, u akhrinaa ama ufiirsanaa codsiyo, baaqyo, taageero addunka dibada loogu weydiinaayo, dadka isdiidkaas ku wax yeeloobay.

Dhinacyada isdiidku ka dhexeeyo, inta ay dil iyo dumin ku sameeyaan waqti kooban, Mudo dheer kuma dhisi karaan. Waana mid ka mid ah sababaha ay u tahay in aan hal ilbiriqsi isdiidkaa lasii wadin.

Waa wax aan isqaban karin in dagaalka aan loo waayin dad, aqoon, qalab dagaal, iyo lacag lagusii wado dilidda iyo duminta nafta iyo lahaanshaha qofka Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye bad iyo biri. Iyo kala fogaanta sheegashadooda wakiilnimada dalka, dadka, iyo diinta ku salaysan isdiid maandayow u xuubsiibtay.

Sidaan aaminsanahay, isdiidka labo wadaage iyo ka badan ayaa xudun u ah Nabad la’aanta. Waayo isdiidku markuu gaaro heer maandayow, yeeshaa qaab fiisiko, hab-dhaqan iyo dareen. soo ifbax deg deg ah ama daaha iyo daboolnaan goor gaara ama cadyaalnimo bilow iyo dhamaad leh. dhammaantoodna waa kuwo isku xiran. marka si gaar ah looga hadlaayo ka qaybgalayaasha isdiidka iyo ku xeeranayaashooda (Bio-matters).

Dagaalada sokeeye iyo aafooyinka aanu dadku samayn, labaduba waxay ka mid yihiin ilaha nabad la’aantu ka timaado. Waxayna ka dhashaan isdiid laba wadaage iyo ka badan (dad, dabjoog, duurjoog, noole kale). Wadaaggu wuxuu noqonkara biyaha, birigiga, hoostooda, dhexdooda  ama hawada. Wuxuu kalo noqon karaa lahaansho, xiriir iyo waxyaale kale.

Tusaale, meesha halaag ka dhaco; waxaa ka dilaaca, cabsi, lumis naf iyo lahaansho, cuduro, shaqo la’aan, qax, qaxooti,  cayr, gaajo, macaluul, qaybsan bulsho, nacayb, caddaawad, sharci la’aan, hoggaan la’aan, maamul la’aan iwm. Kuligoodna saacado, maalmo, bilo, ama sanado, aafo dabeeci ah ama dad-sameys ah ayaa dhala, kuwaasina waxay markooda keenaan Jahawareer cusub.

Marka haysashada iyo helidu Kheyraadku yaraado (Shortage resources), haddaan la helin maskax, aqoon, iyo rabid lagu badbaado, waxaa imaankara, kala badnaan xad-dhaaf ah ee baahida iyo bahi-tiraha, sida: Cunadda, hoyga, daawada, adeega caafimaad, ilaha tamar, shidaalka, gaadiidka, xog iyo qaybaha kale ee adeeg bulsho iyo dhaqaale (Kaabayaasha).

Taasina waxay keentaa ku soo xoon meelo kooban magaalooyin, ceelal iwm. Kadibna waxaa ka bilowda Jahawareer, halgan, fal-dambiyeed, cuduro iyo nabadoo la weeraro. Haddii ay saxtahay, in ilaha Nabad la’aanta ay ka mid yihin kuwa aan kor ku soo qornay.

Nabad La’aanta Lefteedu Maxay Keentaa?

Siday nala latahay, Nabad la’aantu waxay keentaa inta xun oo dhan. Inta xunah waxaan ku soo koobi karnaa lahaansho la’aan ama haysasho la’aan, sida: mucurto, aan meel, qof iyo waxba dhaafin.

 Tusale, in aan la yeelan ay ka wanaagsanaan lahayd, waxaan u qaadan karnaa xaaladda Soomaaliya. Gaar ahaana koonfurta iyo bartamaha. Meelahaan lahaansho iyo haysasho la’aantu waxay ka noqdeen kuwo ay aad u adag tahay in la helo wax lagu qeexo. Waxaa adkaaday in la helo eray soo kooba waxa dhacay iyo waxay dhaleen oo dhan.

Lahaaansho La’aan ama Haysasho La’aani Maxay keentaa?

Ugu horayn waxay keenaan lumin ismaamulka Qof, Qoys ama Qaran. Waxay lumisaa Hankii, sharaftii, kalsoonidii, midnimaddii, awoodii wax qabsi “xor” ah, hiigsigii, dhiirashadii iyo rajadii qofka,qoyska ama qaranka dhaqdhaqaaqooda u ahayd matoorka dhis iyo dhaqasho. Intaas waxaa sii dheer la’aantu waxay kuu geegaysaa cid kugu danaysata ee aan kuu danayn.

Luminta ismaamulidda iyo rajo beelku, iyana waxay markooda dhalaan? Nuglaan, isdhiib, doorsoon, halis, jirid la’aan ama dhamaad ummad, qaranimo iyo “xoriyadeed!”

Tusaale ahaan, Yuugo-Islaafiya iyo USSR, waxay ahaayen qaramo jiray, laakiin aan maanta jirin ee saadufay. Somaaliyana wadadaas ayey haysaa, hadayna helin xal ka baajiya halistaas “xoriyada” maanta nabad la’aantu keentay iyo dagaalka danaysiga kooxeed.

 Haddaba “xoriyadda” maanta ka jirta Soomaaliya, “xoriyadda” shisheeyaha qaarkiis u helay Soomaalida iyo lahaansheheeda, waxaan ugu yeeri lahayn:

Xoriyadda nacaybka, xoriyadda caddaalad la’aanta, xoriyadda dilka, xoriyadda nabad la’aanta, xoriyadda faragalinta iyo nabad udiidka, xoriyadda faqriga, xoriyadda gaajada, xoriyadda cudurka/xanuunka, xoriyadda cabsida, xoriyadda qaybinta iyo kala gaynta, xoriyadda qaxa iyo qoxootinmada.

Xoriyadda bililiqaysiga lahaansha dadka iyo dalka, xoriyadda eedaynta iyo tuhunka, xoriyadda jahliga, xoriyadda maquuninta “looma ooyaanka”, xoriyadda maxaafsiga magaca dalka, dadka iyo diinta!. Xoriyadda jihaadka/marnaanta, xoriyadda argagixiso ladirirka!, xoriyaddda difaaca qaranka! Xoriyadda caawinta dowladda iyo shacabka soomaaliyeed!? Xoriyadda xoriyad la’aanta.

Dhamaan ama intooda badan xoriyadahaani waxay yimaadeen nabad la’aanta kadib, waxayna barabixiyeen nagaanshihii jiridda iyo jiraha u ahaa qiyaasta qiyaasaha geedi socodka dhanka wanaagsan, iyo unugga bilow kasta ee socodka iyo dhaqdhaqaaqa guud. Waana sababta ay nabaddu u mudantahay in gacanlasiiyo.

Sookoobid:
  • Nabadu waa maqnaanta handadaad/fal dabiyeed iyo haliskasta ee dhimaal u leh Dagaanka iyo kunoolihiisa–(Jiridda iyo Jiraha) midkood iyo/ama kuligood.

  • Nabad waa eray xambaarsan garasho mugweyn, qeexideeduna waxay ku xirantahay arimo badan oo ay ka midnoqonkaraan, aqoonta iyo ujeedada uu leeyahay qofka ama kooxda bixinaya (sa) qeexidda waxa ay nabadi tahay.

  • Haddii nabad la’aan dhacdo, waxay noqonaysaa dhammaad nagaanshaha jiraha, nolosha iyo bilow nabad la’aan.

  • Maqnaanta iyo joogidda nabadda midna joogto aan isbadalin ma aha ee waa goor iyo meel joog ama goor iyo meel ka maqan.

  • Majirto abuuris joogta ah, lakiin abuuris kasta waxay leedahay cimri dherar bilow iyo dhamaad leh, lana socda isbadalada goorta, meesha iyo walaxa.

  • Isdiidka labo wadaage iyo ka badan ayaa xudun u ah nabad la’aanta. Marka haysashada iyo helidu dhumaan baahitiruhuna yaraadaan (Shortage resources).

  • Isdiidku markuu ugudbo heer gacan-kahadal, waxaa la bilowda maanday.

  • Nabad la’aantu waxay keentaa inta xun oo dhan, inta xuna waxaan ku soo koobi karnaa lahaansho la’aan ama/iyo haysasho la’aan, taasina waxay dhashaa: lumin ismaamulka Qof, Qoys ama/iyo Qaran iyo Nuglaan, isdhiib, doorsoon, halis jirid la’aan iyo/ama dhamaad ummad, qaranimo iyo “xoriyadeed!?”

  • Nuglaan, isdhiib, doorsoon, halis jirid la’aan iyo/ama dhamaad ummad, qaranimo iyo “xoriyadeed”!? Ayaa taana dabataal.

  • Si jiridda iyo jiraha looga badbaadiyo nabad la’aan; Isdiidku uuna u adeegsan xoog fiisiko; danuhuna isugu dheelitirmaan; wadaaggu u noqdo mid laga wada faa’iidaysto waxay noogu muuqataa: – heshiis sacab ku aqbal ama/iyo isu quur (consensus and/or compromises) waa in wadaaggu isdiidkooda ku xalistaan.

Behind the Scenes of My Home Page

http://www.wadani77.faithweb.com, quick-silver88@hotmail.com